Pierre-Emerick Aubameyang Oo Ugu Dambayn Afka Furtay Waliba Sharaxay Sababta Uu Ku Seegay Kulamadii Arsenal Ee Ugu Dambeeyay.

Kabtanka Kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa afka furtay waliba ugu dambayn sharaxay sababtii uu uga maqnaa kooxdiisa labadii kulan ee ugu dambeeyay.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa sheegay in uu garoomada uga maqnaa sabab la xidhiidha Hooyadii oo xaalad caafimaad soo wajahday.

Weeraryahanka Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ka maqnaa Arsenal labadii kulan ee Southampton ee FA Cup-ka iyo Premier League.

Xiddigaha Arsenal ayaa goolashii ay ka dhaliyeen Southampton u hibeeyay weeraryahanka Gunners iyaga oo taageero u muujiyay.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa bogiisa Instagram ku soo qoray”Nabadee, waxa aan doonayaa in aan idiinka mahad celiyo fariimihii maalmihii ugu dameeyay aad ii soo dirteen”.

“Hooyaday ayaa maraysa xaalad caafimaad sidaas darteed waxa aan doortay in aan garab joogo, haatan way fiicantahay waxana aan caawa ku soo laaban doonaa guriga”.

“Waxa aan u mahad celinayaa dhakhaatiirta iyo kalkaalisooyinka caawiyay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*