Pierre-Emerick Aubameyang Oo Taageerayaasha Arsenal Kaga Xanaajiyay Talaabo Uu Qaaday.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ka xanaajiyay taageerayaasha Kooxda Arsenal kadib markii uu “Like” Saaray Qoraal lagu sheegayay in uu u qalmo u ciyaarista koox ka fiican Arsenal.

Qoraalkan oo lagu Tagg-gareeyay Pierre-Emerick Aubameyang ayaa u qornaa” Waxa uu u qalmaa Pierre-Emerick Aubameyang in uu u ciyaaro koox ka fiican Arsenal sida Bayern Munich, Real Madrid,Barcelona, Man City, Liverpool, Maya Arsenal”.

Taageere ayaa Twitter-ka ku soo qoray”Hadii aad doonayso in aad u ciyaarto koox ka fiican Arsenal, hada warqada bixitaanka Gudbi, ma noqonaysid kabtankii ugu horeeyay ee Arsenal ee is qariya”.

Mid kale ayaa qoray”Ma fahmi karo arintaas sababta uu Aubameyang “Like” u saaray ka hor kulan weyn oo aan booqan doono Anfield”.

Aubameyang ayaa lala xidhiidhinayay in uu isaga tagayo Arsenal bilowgii xagaagan xilli uu galay sanadkiisii ugu horeeyay ee heshiiskiisa.

Laakiin xiddiga ayaa ugu dambayn mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda inkasta oo uu xiiso ka helay kooxo badan oo ay ka mid yihiin Barcelona iyo Inter Milan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*