Pierre-Emerick Aubameyang Oo Si Weyn Uga Xanaaqay In Uu Trent Alexander-Arnold Kaadhka Cas Ka Badbaado Kulankii Arsenal.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa cadeeyay xanaaqiisa kadib markii uu xiddiga Liverpool ee Alexander-Arnold uu ka badbaaday kaarka cas intii lagu jiray kulankii ay Liverpool guuldarada kala kulantay kooxda Arsenal.

Kooxda Arsenal ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Liverpool kadib markii uu Sadio Mane goolasha u furay kooxda Liverpool.

Si kasta ha ahaatee Liverpool ayaa nasiib u lahayd in ayna 10 xiddig ku dhamaysan ciyaarta kadib markii uu Alexander-Arnold khalad ku galay xiddiga Arsenal ee Bukayo Saka daqiiqadii 49-aad.

Xiddiga Liverpool ee Alexander-Arnold ayaa kaliya loo taagay kaadhka digniinta ah Xiddiga Aubameyang ayaana ka dibada soo dhigay cadhada uu ka qabo in aan kaadhka cas loo taagin.

Shirkada Amazon Prime Video Sports oo ah mid leh xuquuqda soo tabinta kulamada premeier league ayaa Twitter-keeda ku soo qortay “Fikirkiina ka dhiibo iyaga oo sii raaciyay sawir khaladkii uu Alexander-Arnold Ku galay Saka”.

Aubameyang ayaa ku jawaabay”Xitaa may eegin VAR khaladkan”.

Dhacdadan ayaa imanayda maalmo kadib markii khalad kaas la mid ah kaadhka cas loogu taagay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Eddie Nketiah kulankii Leicester City.

Sii Akhriso: Masuuliyiinta Ugu Sareeya Dowlada Federaalka Somalia Oo Ku Kala Fikir Duwan Nooca Doorashada Ay Tahay In Laga Qabto Dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*