Pierre-Emerick Aubameyang Oo Si Maldahan Go’aan Uga Gaadhay Heshiis Kordhinta Arsenal, Maxaa Soo Kordhay?

Kabtanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa si maldahan u muujiyay in uu diyaar u yahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Arsenal.

Xiddiga reer Gabon ayaa ku jira sanadkiisii ugu dambeeyay ee heshiiska Arsenal waxana si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isgaa tagayo kooxda xagaaga.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa wal-wal ka muujiyay in ayna Arsenal awood u lahayn in ay la kulanto lacagta 250 kun ee gini ee uu dalbanayo si uu qalinka ugu duugo heshiiis cusub.

si kasta ha ahaatee xiddiga 31 jirka ah ayaa u muuqda in uu diyaar u yahay in uu qalinka ku duugo heshiis cusub u saxiixo kooxda Arsenal kadib dhaq-dhaqaaqiisii ugu dambeeyay baraha bulshada.

Xiddiga si toos ah Instagram ugula jira waallkiis ayuu taageee Arsenal ah waydiiyay Aubameyang” Isha Isku qabo hadii aad heshiis cusub saxiixaysid”.

Aubameyang ayaana isha isku qabtay isaga oo waliba wajigiisa ka muuqatay dhoolacadayn iyada oo uu taageere kale sii raaciyay “Heshiis dhacay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*