Pierre-Emerick Aubameyang Oo Magacaabay Xiddiga Ay Xiddigaha Arsenal Doonayaan In Uu Ku Soo Biiro Kooxda Xagaagan.

Kabtanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa qirtay inuu soo dhaweynayn doono hadii uu xiddiga Houssem Aouar ku soo biiro kooxda xagaagan.

Kooxaha Gunners Iyo Lyon ayaa wadahadalo ku jira kaas oo ku saabsan xiddiga khadka dhexe ee 22 jirka ah ee reer France xilli haatanba Arsenal laga diiday 2 dalab.

Weeraryahanka Gunners ee Aubameyang ayaana ka war qaba baacsiga ay kooxdiisu ugu jirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Houssem Aouar.

Aubameyang Oo la hadlaya Canal+ ayaa sheegay in ay xiddigaha Arsenal soo dhawayn doonaan Aouar.

“Dabcan, waan soo dhawaynaynaa, dabcan, anaga ayaa ugu cad-cad, arintaas ma qarinayo, xitaa hadii uu Lyon joogo”ayuu Aubameyang yidhi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*