Pierre-Emerick Aubameyang Oo Magacaabay Saddex Xiddig Oo Uu Thomas Partey Joojiyay Kulankii Ay Garaaceen Man United.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa la dhacay qaabkii uu Thomas Partey Ula qabsaday Nolosha Arsenal waxana uu sheegay in uu xiddiga khadka dhexe kaligiis joojiyay xiddigaha Paul Pogba, Fred iyo Scott McTominay kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay Manchester United.

Partey ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee buuxay u ciyaaray Arsenal kulankii Leicester City laakiin Jamie Vardy ayaa gool wakhti dambe ah ka dhaliyay Arsenal.

Laakiin xiddiga 27 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulankii ay kooxdiisa Gunners booqatay Old Trafford Axadii isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed ay la dheceen dhamaan dadkii daawanayay qaab ciyaareedka.

Aubameyang ayaa dhaliyay goolka kaliya kadib markii rikoodhe loo dhigay kooxdiisa isaga oo ku hogaamiyay guul Old Trafford ah oo ay muddo dheer raadinayeen.

“Waxa uu ahaa qaab ciyaareed fiican oo ay dhamaan xiddigaha kooxdu soo bandhigeen, waxa fiicnayd in aan arko Thomas Partey oo u ciyaaray si fiican inkasta oo uuna muddo dheer joogin halkan ayuu Aubameyang yidhi.

Kabtanka Arsenal ayaa sii raaciyay”Waxan u malaynayaa in uu kaligiis xidhay xiddigaha khadka dhexe uga ciyaara Man United”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*