Pierre-Emerick Aubameyang Oo Ku Soo Laabtay Tababarka Arsenal, Miyuu Ciyaari Doonaa Kulanka Wolves Ee Caawa?

Kooxda Arsenal ayaa war fiican ka heshay kabtankeeda Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo ku soo laabtay tababarka kooxdiisa ka hor ku soo laabashada shaxda kooxdiisa.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa kooxdiisa Arsenal ka maqnaa 3-dii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan isaga oo ku maqnaa dalkiisa Gabon sabab la xidhiidha Hooyadii oo xanuusanaysa.

Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ku soo laabtay Todobaadkii hore laakiin waxa uu galay Karantiil maadama uu dalka dibadiisa u baxay.

Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ku soo laabtay tababarkii shalay ee ka horeeyay kulanka Wolves ee caawa horyaalka premier League.

Laakiin xiddiga ayuu wali shak ku jiraa in uu ka qayb qaadan doono kulanka ay Arsenal caawa la ciyaari doonto kooxda Wolves ee horyaalka premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*