Pierre-Emerick Aubameyang Oo Kashifay Qaabkii Uu U Ceebaystay Kurt Zouma Intii Lagu Jiray Final-kii FA Cup-ka.

Kabtanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang Ayaa shaaca ka qaaday farxadiisa ku aadan ku hogaamintii Arsenal ee ku guulaysiga FA Cup-ka.

Arsenal ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Chelsea kadib markii uu Pierre-Emerick Aubameyang 2 gool dhaliyay kana caawiyay in ay kooxdiisu ku guulaysato koobkii 14-aad ee FA Cup-ka.

Pierre-Emerick Aubameyang oo ka hadlaya ciyaarta ayaa yidhi”Waxan u malaynayaa in uu qof walba soo bandhigay wixii uu awooday”.

“Waxa aan soo marnay wado dheer laakiin ugu dambayn waxa aan ku guulaysanay koobka”

Pierre-Emerick Aubameyang oo ka hadlaya goolkii 2-aad ee uu ka dhaliyay chelsea ayaa yidhi”Kurt Zouma waxa uu ahaa in aan ku ciyaaro lugta midig sidaas darteed waan khiyaameeyay waxana aan kubad ku laaday lugta bidix”.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*