Pierre-Emerick Aubameyang Oo Go’aan Ka Gaadhay Ku Biirista Chelsea.

Kabtankii hore ee kooxda Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday dalabkii uga yimid kooxda chelsea si uu ugu soo laabto premier League.

Chelsea ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub suuqa kala iibsiga xagaagan kadib markii ay lumiyeen Romelu lukaku.

Blues ayaa dalab ka gudbisay saxiixa xiddigii hore ee kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang iyaga oo doonaya in ay ku soo celiyaan premier League.

Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayaa isaga tagay Premier League suuqii January isaga oo ku biiray kooxda Barcelona kadib markii ay Arsenal iska fasaxday.

Xiddiga reer Gabon ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda Barcelona qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka isaga oo dhaliyay 13 gool.

Chelsea ayaa todobaadkan xiiso u muujisay saxiixa xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang si ay ugu xoojiso weerarkeeda xilli ciyaareedka cusub.

Laakiin sida laga soo xigtay wargayska Sport, Pierre-Emerick Aubameyang ayaa iska diiday Blues waxana uu doonayaa in uu sii joogo kooxda Barcelona xilli ciyaareedka cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*