Pierre-Emerick Aubameyang Oo Ka Hadlay Gool La’aantiisa Premier League

Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa sheegay in uuna ka wal-walsanayn abaarta goolasha ee premier League ka hor kulanka adag ee ay Axada martida u noqon doonaan kooxda Man United.

Arsenal ayaa guuldaro la kulantay 3 ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay premier League kadib markii ay si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedka xiddiga Aubameyang ayaan dhankiisa waxgool ah dhalin tan ilaa kulankii ugu horeeyay ee premier Leage.

Aubameyang ayaan wax gool ah dhalin 5-tii kulan ee ugu dambaysay taas oo ah rikoodhkiisii ugu xumaa tan ilaa 2014 markaas oo uu joogay Borussia Dortmund.

“Wakhtigan si fudud goolasha uma dhalinayno”ayuu Aubameyang u sheegay Standard.

“Arintan ayaa ku dhacda kooxaha, wax gool ah ma dhalin kulamadii ugu dambeeyyay”.

“Laakiin waxa aan nahay koox khibrad leh, waliba leh xiddigo weerar ah oo khibrad leh waanan ognahay sida aan wax dhanka kale ugu rogno”.

“Anigu kama wal-walsani gool la’aantayda”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*