Pierre-Emerick Aubameyang Oo Go’aan Cusub Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Arsenal & Barcelona Oo Sabab U Ah

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa go’aan ka oo cusub ka qaatay mustaqbalkiisa kooxda Arsenal kaas oo ku dhaw in uu dhamaado.

Heshiiska Pierre-Emerick Aubameyang ee Arsenal ayaa dhici doona 30 bisha July ee sanadka dambe waxana uu si xor ah wadahadalo ula qaadan karaa kooxaha kale suuqa Jnauary ee sanadka cusub.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu Pierre-Emerick Aubameyang iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Arsenal waliba uuna doonayn in uu sii joogo kooxda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in sababta ka dambaysa go’aanka Pierre-Emerick Aubameyang Tahay rabitaankiisa ah in uu u ciyaaro kooxda Barcelona kuwaas oo doonaya saxiixiisa si ay xilli ciyaareedka dambe ugu xoojiyaan.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa wakhti fiican ku qaadanaya kooxda Arsenal isaga oo u tartamaya gool dhalinta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Warkan ayaa Niyad jab ku noqonaya tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta kaas oo mar walba ku cel-celiya sida uu u doonayo in uu xiddigu sii joogo kooxda.

Sii Akhriso: Musharaxa Madaxtinimo Ee Dalka Maraykanka Oo Balan Qaad U Sameeyay Dadka Muslimiinta Ah Soona Xigta Xadiiskii Nabi Mohamed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*