Pierre-Emerick Aubameyang Oo Fariin Dhaawaciisa Ku Saabsan U Diray Taageerayaasha Arsenal.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ahna kabtankooda Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fariin u diray taageerayaasha kooxda Arsenal.

Weeraryahanka Pierre-Emerick Aubameyang  ayaa dhaawac ku seegay kulankii Everton ee ay Arsenal guuldarada la kulantay.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaawac ku seegaya kulanka adag ee ay Arsenal la ciyaari doonto kooxda Man City tartanka Carabao Cup-ka.

Xiddiga oo la hadlaya wargayska Mirror ayaa yidhi”Waxa igu adkayd in aan seego kulankii Sabtidii oo aanan ka garab ciyaarin xiddigaha aan isku kooxda nahay”.

“Waxa aan qabaa dhaawac yar oo jilibka ah laakiin waxa aan rajaynayaa in aan si deg-deg ah u soo laabto”.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*