Pierre-Emerick Aubameyang Oo Digniin U Diray Liverpool Ka Hor Kulankooda Caawa.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa digniin u diray kooxda Liverpool ka hor kulankooda caawa ee horyaalka premier League.

Labada kooxood ayaa caawa isaga hor iman doona Anfield kulan ka tirsan todobaadkii 3-aad ee horyaalka premier League.

Pierre-Emerick Aubameyang oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waa wax fiican in aan ka hor tagno Liverpool, waxa uu noqon doonaa tijaabo fiican maanta”.

“diyaar ayaan nahay waxana aan Anfield u aadaynaa anaga oo aan ka cabsanayn, waxa aan doonaynaa in aan ka xanaajino waliba garaacno waana riyadeena”.

Arsenal ayaa Garaacday Liverpool labadii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan iyaga oo rikoodhayaal ku garaacay kulankii ugu dambeeyay ee bilowgii xilli ciyaareedkan.

5 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*