Pierre-Emerick Aubameyang Oo Codsi U Diray Mikel Areteta Xilli Uu Isha Ku Hayo Kabta Dahabka Ah Ee Gool Dhalinta Premeir League.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa tababaraha kooxdiisa ka codsaday in uuna Nasin labada kulan ee ka hadhay horyaalka premier League isaga oo doonaya in uu ku guulaysto gool dhalinta premier League.

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa qirtay in uu Pierre-Emerick Aubameyang doonayo in uu ciyaaro daqiiqad kasta kulamada ka hadhay premier League isaga oo doonaya in uu soo qabto Jamie Vardy oo uu 3 gool ka dambeeyo.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyay 20 gool waxana u hadhay 2 kulan oo uu ka mid yahay kulanka Aston Villa ee caawa isaga oo doonaya in uu xilli ciyaareedkii 2-aad oo xidhiidh ah ku guulaysto gool dhalinta kadib markii xilli ciyaareedkii hore abaalmarinta la wadaagay xiddigaha Sadio Mane iyo Mohamed Salah.

Arteta ayaa qirtay inuu ka warqabo Aubameyang inuu u baahan yahay nasasho gaar ahaan finalka FA Cup laakiin wuxuu sheegay in ay tahay wax fiican marka uu xiddigu doonayo in uu kulan kasta ciyaaro.

“Taasi waa wixii aan sameeyay kulankii Liverpool, waxa aan soo galiyay daqiiqadihii ugu dambeeyay waxana aan u malaynayay in ay arintaas siinayso fursad fiican oo uu goolal ku dhalin karo waliba taam ugu noqon karo Semi-final-ka”ayuu Arteta yidhi.

“Laakiin waxa uu doonayaa in uu ciyaaro kulan kasta waana mid mar walba tartama waana mid ka dhigaysa xiddig fiican”ayuu Arteta yidhi.

Sii khriso: Musharaxa Madaxtinimo Ee Dalka Maraykanka Oo Balan Qaad U Sameeyay Dadka Muslimiinta Ah Soona Xigta Xadiiskii Nabi Mohamed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*