Pierre-Emerick Aubameyang Oo Arsenal U Sheegay Halka Wado Ee Uu Heshiis Cusub Ugu Saxiixayo Kooxda

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa kooxdiisa u sheegay in uu doonayo heshiis 3 sano ah iyo waliba mushahar todobaadkii dhan 250 kun oo Gini si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda.

Xiddiga reer Gabon oo todobaadkan noqday xiddiga ugu dhakhsaha badan ee Arsenal gadhay 50 gool ayaa galay snaadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda Arsenal.

Mikel Arteta ayaa si aad ah u doonaya in uu sii haysto xiddiga 31 jirka ah laakiin Arsenal ayaa ku qasban in ay bixiso mushahar dhan 250 kun oo Gini todobaadkii iyo mushahar 3 sano ah.

Wadahadaladii heshiis kordhinta ee ay kooxda Arsenal kula jirtay xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayaa istaagay sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Xiddiga 31 jirka ah ee reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa haatan kooxda Arsenal ka qaata mushahar todobaadkii dhan 200 kun oo Gini.

Shabakada ESPN ayaa sheegaysa in uu Pierre-Emerick Aubameyang kooxda Arsenal u sheegay in ay bixiso lacag dhan 250 kun oo Gini todobaadkii iyo waliba heshiis 3 sano ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*