Pierre-Emerick Aubameyang Oo Arsenal Ku Hogaamiyay Guul Ay Ka Gaadheen Norwich City.

Kooxda Arsenal ayaa guul ay u qalmeen ka agadhay kooxda Norwich City kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa horyaalka premier League xilli Gunners sii wado guulaha.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Arsenal si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo qaadayay weeraro halis ah kuwaas oo ay ku khatar galiyeen goolka kooxda Norwich City.

Dhanka kale Norwich ayaa qaadaysay weeraro goos-goos ahoo ay Arsenal doonayay in ay goolal kaga dhaliso iyaga oo doonayay in ay Arsenal kaga naxsadaan gool wakhti hore ah.

Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ugu dambayn ka baxay abaartii gool la’aanta ee haystay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay soona bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Daqiiqadii 33-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo ka faa’iidaystay khalad uu Goolhayaha Norwich Sameeyay.

Daqiiqadii 37-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Granit Xhaka kaas oo baas cajiib ah ka helay xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang.

Kooxda Arsenal ayaa samaysay fursado ay goolal kale ka dhalin karaan laakiin nasiibka ayaa u saacidi waayay in ay gool dhaliyaan qaybtii hore ee ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Arsenal soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah waliba si raaxo leh u ciyaartay qaybta hore.

Qaybtii dambe ayay Gunners sii waday dadaalka ay ku doonayso in ay ku dhaliso goolal badan kuna disho ciyaarta ka hor inta ayna Norwich City soo laaban.

Daqiiqadii 67-aad ayay Gunners dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay kabtankooda Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo dhaliyay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta iyo goolkii 3-aad ee kooxdiisa.

Waxa mar kale Arsenal u khaldamay xiddig Norwich ah kaas oo kubada si khaldan ugu soo celiyay dhanka goolka taas oo keentay in uu ka faa’iidaysto xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo gool ka dhaliyay.

Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang aya ahaa xiddiga ugu fiican kulanka isaga oo laba gool dhaliyay waliba caawiye ka noqday gool kale sidaasna kooxdiisa uga caawiyay in ay gaadho guul muhiim ah.

Kooxda Arsenal ayaa sii waday dadaalka iyo samaynta fursadaha iyaga oo raadinayay in ay sii badsadaan goolasha ciyaarta.

Daqiiqadii 81-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 4-aad ee ciyaarta iyaga oo uu gool u dhaliyay daafaca Cedric Soares kaas oo Akoonkiisa goolasha furtay kulankii ugu horeeyay ee uu u ciyaaray Arsenal.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal si raaxo leh ku garaacday kooxda Norwich City oo ay gaadhay guul ayna ku dhibtoon dibna u sii noolaysay rajadooda boosaska Tartamada yurub.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*