Pierre-Emerick Aubameyang Oo Arsenal Ka Caawin Kara Saxiixa Arthur Melo

Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhawaan isaga tagi kara kooxda Arsenal kadib markii uu ka baxay qorshaha Mikel Arteta.

Weeraryahanka reer Gabon ayaan ciyaarin kulan Arsenal a wax ka badan bil waxana laga qaaday masuuliyada kabtanimada kooxda Arsenal.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa haatan ku maqan waajibaadka xulka qarankiisa Koobka Africa tartanka ka socda dalka Cameroon.

Waxa jira warar soo baxay oo sheegaya in ay Arsenal isku diyaarinayso in ay Pierre-Emerick Aubameyang Ka qayb dhigto heshiiska ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe ee Arthur Melo.

Juventus ayaa doonaysa saxiixa xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang si ay ugu buuxiso booska xiddiga Federico Chiesa kaas oo dhaawac ku maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*