Phillips, Mane, Pogba, Pepe, Jesus, Martinez, Lewandowski & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa dhamaadka xilli ciyaareedka 2021/2022 kooxaha kala duwan ee reer yurub ayaana haatanba bilaabay qorshohooda suuqa kala iibisga xagaaga.

Kooxaha kaal duwan ayaa haatanba bilaabi kara in ay la saxiixdaan xiddigaha ay doonayaan inkasta oo uuna wali si Rasmi ah u furmin suuqa kala iibsigu.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo bandhigi doonta wararka suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha lala xidhiidhinayo kooxdaada.

Kooxda Man City ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Leeds United ee Kalvin Phillips iyaga oo u doonaya badalka Fernandinho oo isaga tagaya kooxda (Mirror).

Kooxda PSG ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane si ay ugu badalaan Kylian Mbappe kaas oo ka tagaya kooxda (Sport Bild).

Kooxda Barcelona ayaa Man United u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 70 milyan hadii ay doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong (Mail).

Tababaraha Man United ee Ten Hag ayaa Daafaca Lisandro Martinez ku daray Liiska xiddigaha uu doonayo in uu keeno Old Trafford xagaaga (Telegraph).

Sidoo kale Man United ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic (Calciomercato).

Kooxaha PSG iyo Juventus ayaa kali ku noqday tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba (Fabrizio Romano).

Kooxda chelsea ayaa doonaysa saxiixa kabtanka kooxda Ac Milan ee Alessio Romagnoli kaas oo xor noqon doona xagaaga (Mundo Deportivo).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Nicolas Pepe ayaa Arsenal ku qasbi doona in ay iibiso xagaaga (Mirror).

Kooxda Arsenal ayaa la filayaa in ay kor u qaado dalabka ay ku doonayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Man City Gabriel Jesus (Football.London).

Maamulka Arsenal ayaa wadahadalo ka qaadan doona in ay iska iibiyaan daafaca Gabriel Magalhaes iyo in kale suuqa xagaaga xilli ay Juventus doonayso saxiixa daafaca (Tuttosport ).

Kooxda Cheslea ayaa dajisay qorshihii ay kula saxiixan lahayd daafaca dhexe ee kooxda Sevilla ee Jules Kounde (Goal).

Kooxda Barcelona ayaa qarka u saaran saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski (Mundo).