“Philippe Coutinho Wuu Ka Shalaynayaa In Uu Ka Tagay Liverpool”.

Xiddigii hore ee kooxda Barcelona ee Emmanuel Petit ayaa sheegay in uu Philippe Coutinho ka shalaynayo in uu ku biiray Barcelona kana tagay kooxda Liverpool suuqii January ee 2018.

Coutinho ayaa ka tagay Liverpool suuqii January 2018 isaga oo ku biiray kooxda Barcelona isaga oo ugu biiray 142 milyan oo euro ka hor inta ayna hal sano kadib kooxdu iska dirin Xiddiga reer Brazil Amaahna ugu dirin Bayern Munich.

Emmanuel Petit oo Barcelona kaga biiray kooxda Arsenal ayaa sheegay in uu Coutinho ka shalaynayo maalin walba sababtii uu uga tagay Liverpool uguna biiray Barcelona.

“Hadii aan ahay Philippe Coutinho, subax walba marka aan soo koco waxa aan naftayda waydiin lahaa “Waa Maxay sababta aan uga tagay Liverpool uguna biiray Barcelona” sababta oo ah waxa aan xasuustaa markii aan ku biiray Barcelona kana tagay Arsenal waxa aan u fikirayay isla sidaas”ayuu Petit u sheegay Mirror.

Mustaqbalka Philippe Coutinho ayuu haatan shaki weyn ku jiraa iyada oo aan la ogayn kooxda uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe xilli ay Barcelona doonayso in ay iska iibiso.

Advertisements

Kooxaha Chelsea, Man United, Tottenham iyo Arsenal ayaa la sheegayaa in ay dhamaantood xiiso u qabaan saxiixa xiddiga Philippe Coutinho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*