Philippe Coutinho Oo Ku Riyoonaya In Uu Ku Laabto Liverpool

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa lagu soo waramayaa in uu ku riyoonaya in uu ku laabto kooxda Liverpool sida ay sheegayaan wararku.

Ka Tagistii Philippe Coutinho ee Liverpool ayaan noqon mid guulaysata iyada oo uu xiddiga reer Brazil aad ugu dhibataooday garoomada tan ilaa markii uu ka tagay Anfield kuna biiray Barcelona.

Xiddiga Philippe Coutinho ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Barcelona suuqa xagaagan waxana uu doonayaa in uu ku laabato kooxda Liverpool oo uu wakhti fiican ku qaatay.

Dhanka kale Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa doonaya in uu dib u helo xiddiga oo uu kala soo shaqeeyay sanadkii ugu horeeyay ee uu hogaamiyaha u noqday kooxda Liverpool.

Barcelona ayaa si aad ah u doonaysa in ay iska dirto xiddiga iyaga oo xitaa diyaar u ah in ay lacag aad u yar ku iibiyaan hadii ay iska dirayaa.

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*