Philippe Coutinho Oo Ku Dhawaa In Uu Ku Biiro Arsenal & Qofkii Ka Hor Istaagay Oo La Ogaaday.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa ku dhawaa in uu ku biiro kooxda Arsenal ka hor intii uuna Tababare Ronald Keoman si shaqsi ah xiddiga uga hor istaagin in uu ku biiro Arsenal.

Coutinho ayaa wadahadalo kula jiray kooxda Gunners kadib markii uu amaah kula qaatay kooxda Bayern Munich.

Arsenal ayaa ku dhawayd in ay dhamaystirto saxiixa xidiga ka hor intii ayna Barcelona tababare u magacaabin Ronald Koeman kaas oo xiddiga ku qanciyay in uuna ku biirin Arsenal.

Xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Barcelona kulamadiiĀ  uu u ciyaaray kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*