Petr Cech Oo Ka Jawaabay Su’aal Ku Saabsan Kai Havertz Oo Uu Waydiiyay Taageere Chelsea Ah.

Petr Cech ayuu taageere wax ka waydiiyay wararka chelsea la xidhiidhinaya xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayer Leverkusen ee Kai Havertz kadib final-kii FA Cup-ka.

Kooxda Frank Lampard ayaa guuldaro kala kulantay Arsenal kulan ka dhacay Wembley kana tirsanaa Final-ka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Petr Cech Oo Ku soo laabtay chelsea xagaagii kooxdana u ah la taliyaha masuuliyiinta kooxda ayaa daawaday kulanka.

kadib markii uu ciyaarta ka baxay ayuu taageere chelsea ah Goolhayihii hore ee Blues in ay kooxdu la soo saxiixanayso xiddiga Havertz xagaagan.

Laakiin Cech ayaa dhoolacadeeyay kuna jawaabay”Isku day wacan”.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*