Peter Schmeichel ayaa ku booriyay Manchester United inay sii haystaan tababaraha cadaadisku saaranyahay ee Erik Ten Hag laakiin waxa uu sheegay in Thomas Tuchel yahay badalka ugu haboon ee hogaamin kara kooxda.
United ayaa la filayaa inay qiimeeyaan mustaqbalka Ten Hag inta lagu jiro fasaxa xulalka ka dib markii United ay si liidata ku bilaabatay xilli ciyaareedka.
Red Devils ayaa lala xidhiidhinayaa tababarayaal badan oo uu ka mid yahay Thomas Tuchel kaas oo bilaa shaqo ah tan ilaa dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.
Schmeichel oo halyeey ka ah kooxda Man United ayaa U sheegay kooxdiisii hore in ay sii haystaan tababare Ten Hag isla markaas wakhti ku filan siiyaan.
Laakiin waxa uu u sheegay in Tuchel yahay midka ku fiican in uu badalo Erik Ten Hag.
“Labadii shaqo ee ugu dambeysay ee Thomas Tuchel ee uu hogaaminayay Chelsea iyo Bayern Munich waxa uu aaday wakhti khaldan”ayuu Schmeichel u sheegay Betway.
“Waan jeclahay Thomas Tuchel, runtii waan jeclahay isaga, waa tababare u fiicnaan doona Man United”ayuu sii raaciyay.
“Laakiin, Erik ten Hag ayaa wali ah tababaraha, waana taageeri doonaa isaga sababtoo ah waxa aan doonayaa in kooxda ay wax fiican qabato. Ma doonayo in United ay noqoto koox mar walba badasha Tababaraha”.
Be the first to comment