Peter Crouch Oo Magacaabay 3 Kooxood Oo Liverpool Kula Tartami Doona Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedka Dambe.

Kooxda Liverpool ayaan kaliya ka wal-wali doonin Man City xilli ciyaareedka dambe marka ay difaacan doonaan horyaalka premeir League.

Waxa sidaas sheegay xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Peter Crouch kaas oo sheegay in ay kooxaha Man United iyo Chelsea noqon doonaan kooxo awood leh xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa ku guulaystay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo ka qaaday kooxda 2 jeer ku guulaystay ee Man City.

Kadib 34 kulan Reds ayaa kaliya lumisay 10 dhibcood iyaga oo wakhtiga qaar 25 dhibcood ka horeeyay kooxda Man City.

Crouch ayaana sheegay in ay shaqada Liverpool ka adkaan doonto xilli ciyaareedka dambe iyada oo ay kooxuhu is xoojin doonaan.

“Waxa laga yaabaa in ay halista ugu badan ka timaado Man City”ayuu u sheegay Daily mail.

“Waxa aan maqlay John Stones oo leh in ay City wali isku aaminsantahay kooxda ugu fiican England”.

“Laakiin Stones wuu ku khaldanyahay Liverpool 23 dhibcood oo ay u qalmaan ayay kaga hayaan horyaalka premier League arintaas ayaana makhraati ka ah”.

“Liverpool ayaa noqon doonta kooxda isha gaarka ah lagu hayn doono xilli ciyaareedka dambe”.

“Laakiin Chelsea iyo Man United ayaa ku soo biiri doona tartanka kadib suuqii adkaa ee ay chelsea samaysay ilaa haatan iyo waliba qaab ciyaaareedka Man United”.