Peter Crouch Oo Dil Loogu Hanjbay & Man United Vs Liverpool Oo Sabab U Ah.

Peter Crouch ayaa xalay sameeyay isku aadka wareega 4-aad iyo 5-aad ee tartanka FA Cup-ka iyada oo ay isku aadeen kooxaha sida weyn u xafiiltama ee Man United iyo Liverpool wareega 4-aad.

Laakiin kadib markii uu isku aadku dhamaday ayaa Peter Crouch dil loogu hanjbay isaga oo xitaa ku kaftmay in uu qoorta dhigan doono.

Peter Crouch ayaa kooxdiisii hore ku aadiyay Man United taas oo la macno ah in ay Liverpool ciyaari doonto todobaad waali ah wakhtiga soo socda.

Gabadha Model-ka ah ee taageeraha u ah Liverpool ee Abbey Clancy ayaa kadib isku aadka u hanjbtay xididgii hore ee kooxda Liverpool ee Peter Crouch.

Markii uu isku aadku dhamaaday ayay Gabadha lagu magacaabo Abby Clancy ku soo qortay Twitter-keeda” Aaabahay wuu ku dili doonaa adiga”.

Peter Crouch oo si kaftan ah ugu jawaabay aya yidhi”Waxa aan si toos ah u soo dhigayanaa qoorta”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*