Pep Oo Si Cad Uga Hadlay Go`aanka Man City Ee Soo Xero Gilinta Harry Kane!

Tababaraha kooxda Man City ee Pep ayaa daaqadda ka saaray suuragalnimada ah in kooxdiisa xagaagaan la soo hishiiyaan weerrayahanka Tottenham ee Harry Kane

Laacibkaas ayaa aad loogu badinayaa in uu baxayo waxa uuna ku war giliyay maamulka Tottenham in uu baxayo xagaagaan

City waxa ay horay u bandhigeen dalab gaaraya 100 milyan oo gini balse Tottenham waa soo celiyeen durba taasi oo keentay in City ka fikiraan in ciyaartooy kale ay qeyb uga dhigaan hishiiska

Tottenam waxa ay ku adkeysaneysaa in ay helaan 150 milyan oo gini si ugu dambeyn Harry Kane uu u baxo.

Macalin Pep ayaa wargeyska Mirror ka yiri” marka la eego qiimaha suuqa , ma jirayo weerarayahan aan la soo hishiineyno ,kama bixi karno qiimahaas”.

” Koox waliba dhanka maaliyadda ayay la daalaa dhaceysaa sidaa darteed City kama duwana kooxahaas”.

” Waxaan haysannaa Jesus iyo Torres , xiddigo cajiib ah ayaa akademiyada jooga , mararka qaar weerrayahan bug ah ayaan ciyaarnaa” ayuu sii raaciyay Pep

Macalinka waxa¬† uu intaas sii raaciyay ” waxa ay u bada tahay in aan weeraryahan cusub aynu keenin, arinta Harry-na waa mustaxiil”.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*