Pep Oo Qiil U Sameeyay Ceebtii Real Ka Soo Qabsatay Ee Champion-ka

Real ayaa xalay waxa ay ka inkaarsadeen Man City oo ay ka reebeen Champion-ka iyaga oo  natiijo 3/1 ah isaga xaadiriyay Finalka

Macalin POep ayaa BT Sport ka yiri” qeybta hore ma aynu ciyaarin , ma aynu wacneyn balse ma aynu dhibaatoon”.

” ka dib goolkii Riyad , waan ka fiicneyn , Waxaan helnay laxankayagii, ciyaartoyduna way raaxaysteen balse Real ciyaarooydeeda waxa ay isugu yimaadeen sedex xagalka waa ayna dhaliyeen”.

“Wuxuuna intaa ku daray: “Ma aanan u ciyaarin sidii ugu fiicneyd, laakiin taasi waa iska caadi, semi-finalka, ciyaartoyda waxay dareemayaan cadaadis waxayna doonayaan inay sameeyaan, kubada cagta waa mid aan la saadaalin karin, waa ciyaar sidaas oo kale ah, waa inaan aqbalnaa taas. ”

Isagoo ka hadlayay falcelinta ciyaartoyda qolka labiska, Guardiola ayaa sharaxay: ” Way murugaysan yihiin, waxay ku dhowaayeen  inay gaaraan finalka, hadda waxaan u baahanahay waqti aan kula tacaalno wixii dhacay”

Waxa uu Guardiola intaas sii raaciyay” Ma dareemin inaan u soo bixi doono finalka Champions League.. maalmo xun ayaanu haysan doonaa”