Pep ” Halkaan Arin Ma Dhici Karto Xilli Ciyaareedkaan Waana Sheeko Qiyaali Ah”

Tababaraha kooxda Man City ee Pep ayaa ayaa iska fogeeyay fikradda ah in kooxdiisa xilli ciyaareedkaan ay qaadi karaan afar koob

City waxa ay xilli ciyaareedkaan u tartamayaan afar koob oo kala ah horyaalka , Champion-ka , FA Cup-ka iyo EFL Cup-ka .

Haatan horyaalka waxa ay kaga jiraan booska labaad iyaga oo leh 38 dhibic ka dib 18 kulan oo ay ciyaareen halka uu u jiro kulan u baaqday oo ay la leeyihiin Everton .

Dhanka Champion-ka waxa ay wareegga 16–ka ku wajahayaan kooxda reer Jarmal ee Borussia Mönchengladbach

Sidoo kale FA Cup-ka wareeggiisa 26-ka waxa ay ka hor tagayaan Swansea City halka Tottenham ku arkayaan finalka EFL Cup-ka

Tababare Pep oo la weydiiyay in kooxdiisa u suura galesyo in xilli ciyareedkaan afar koob qaadaan waxa uu yiri ” waa sheeko qiyaali ah, horay uma dhicin taasi , fadlan tababare su`aalahaas ha weydiinina waaayo waa wax aan dhaceyn”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*