Pep Guardiola Waxa Uu Doonayaa Ku Soo Laabashada Barcelona.

Barcelona presidential candidate Victor Font has talked up the possibility of Pep Guardiola returning to the club in the future.

Mushaharaxa Madaxweyne ee koooxda Barcelona ee Victor Font ayaa ka hadlay suurtagalnimada uu Pep Guardiola ugu soo laaban karo kooxda Barcelona mustaqbalka dhaw.

Guardiola ayaa 17 sano ku qaatay Barcelona ciyaartoy ahaan isaga oo kula guulaystay 15 koob ka hor inta uuna isaga oo tababare ah hogaamin kooxda.

Barcelona ayaa ku guulaystay 14 koob intii uu Guardiola tababaraha u ahaa kooxda waxana uu sheegay in uuna wax niyad ah u hayn ku laabashada Barcelona.

Guardiola ayaa dhawaan qalinka ku duugay heshiis cusub laakiin Font oo u tartamaya madaxtinimada kooxda Barcelona ayaa sheegay in uu tababare Guardiola doonayo in uu ku soo laabto kooxda mustaqbalka dhaw.

“Mashruuca aan ka shaqaynayno hadii aan ku guulaysto madaxnimada kooxda waxa uu noqon doonaa mid lagu dhisayo tayada kooxda waxana uu doonayaa in uu ku soo laabto kooxda”.

“Waan ognahay in uu Guardiola doonayo ku soo laabashada Barcelona xitaa hadii ay arimo shaqsiyadeed tahay, waxa aan rajaynayaa in uu wakhti dhaw ku soo laabto”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*