Pep Guardiola Oo Xaqiijiyay Xiddig Kooxdiisa Ah Oo Diiday Heshiis Cusub Si Uu Ugu Biiro Barcelona.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in xiddiga daafaca uga ciyaara kooxdisa Barcelona ee Eric Garcia iska diiday heshiis cusub oo ay kooxdu u soo bandhigta.

Sidoo kale Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga reer Spain doonayo in uu isaga tago kooxda Man City inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Isla Guardiola ayaa sheegay in uu xiddiga Eric Garcia doonayo in uu ku biiro kooxda Barcelona kuwaas oo dhankooda doonaya saxiixa xiddiga da’yarka ah.

Guardiola oo ka hor kulanka Real Madrid ayuu yidhi”Eric Garcia Waxa uu kooxda u sheegay in uuna doonayn in uu heshiiska u saxiixo kooxda, waxa hal sano uga hadhay heshiiskiisa mana doonayo in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda”.

“Waxa uu doonayaa in uu ku biiro koox kale inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan”.

“Dookhiisa 1-aad ayaa ah in uu ku biiro kooxda Barcelona waxana u socda wadahadalo”ayuu sii raaciyay.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*