Pep Guardiola Oo Xaqiijiyay 5 Xiddig Oo Seegi Doona Kulanka Chelsea.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in ay 5 xiddig ka maqnaan doonaan kooxdiisa kulanka Axada ee premier League ay la ciyaari doonaan Chelsea kadib markii laga helay xanuunka Korona.

Kulankii Man City ee Everton Ee Isniintii ayaa la joojiyay saacado ka hor kulanka kadib markii 3 xiddig laga helay xanuunka Korona kadib markii kulankii ka horeeyay xiddigaha Kyle Walker & Gabriel Jesus laga helay xanuunka Korona.

Baadhitaankii ugu dambeeyay ee xanuunka ayaa lagu ogaaday in ay 7 qof oo kooxda 1-aad ah qabaan xanuunka Korona kana mid yihiin shaqaalaha tababarka kooxda.

Tababare Pep Guardiola ayaa ka hor kulanka chelsea sheegay” Markii hore waxa laga helay 4 qof oo ay ku jiraan 2 xiddig halka markii dambe laga helay 3 xiddig”.

Tababaraha kooxda Man City ee Guardiola ayaa sheegay in ayna kooxdu wali sheegi doonin xiddigaha laga helay xanuunka Korona.

“Uma malaynayo in Premier League noo ogolyahay in aan magacawno xiddigaha laga helay xanuunka Laakiin waxa aad ogaan doontaa maalinta bari ah”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*