Pep Guardiola Oo War Fiican Ka Helay Tababarka Man City.

Tababaraha Kooxda Man City ayaa war fiican ka helay tababarka kooxdiisa ka hor dib u bilaabashada premier League kadib fasaxa xulalka.

Man City ayaan wax kulamo ah ciyaari doonin ilaa 20 bishan haatan lagu jiro sabab la xidhiidha fasaxa xulalka oo socda.

Shabakada tribalfootball ayaa sheegtay in uu xiddiga khadka dhexe ee Fernandinho ku soo laabtay tababarka Man City kadib markii uu muddo maqnaa.

Fernandinho ayaa ka maqnaa Man City ilaa 22 bishii October kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Fc Porto ee champions League.

Laakiin xiddiga ayaa si buuxda uga soo laabtay dhaawaca haatana ku soo laabtay tababarka kooxdiisa.

Fernandinho ayaa taam u noqon doona kulanka ay kooxdiisa Man City la ciyaari doonto Tottenham kulan ka tirsan premier League todobaadkii 9-aad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*