Pep Guardiola Oo Sheegay Xiddiga Ku Guulaysan Doona Xiddiga Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa saadaaliyay xiddiga ku guulaysan doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha u tartami doona baalmarinta ayaa la soo saari doonaa maanta oo jimce ah iyada oo ay jiraan xiddigo badan oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Tababare Pep Guardiola ayaa sheegay in uu xiddig Liverpool u ciyaara ku guulaysan doono abaalmarinta xiddiga ugu fiican premier League xilli ciyaareedkan.

Guardiola oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Xiddiga ku guulaysta Abaalmarinta xiddiga ugu fiican Premeir League sanadkan waxa uu noqon doonaa xiddig Liverpool ah”.

“Markii aan xilli ciyaareedkii hore ku guulaystanay horyaalka waxa abaalmarinta ku guulaystay xiddig Liverpool ah”.

“Sidaas darteed waxa aan hubaa in uu xiddig Liverpool ah ku guulaysan doono Abaalmarinta, mar walba abaalmarinahan waxa ku guulaysta xiddig Liverpool Ah”.

Sii Akhriso: XASAASI: Somaliya Oo Ciidamo U Dirtay Dalka Liibiya Oo Uu Dagaalka Xoogan Ka Socdo & Hooyooyin Xaqiijiyay.

1 Comment

  1. War odeyga basada diiran calaacal badna Mida kale intaay dhicin codeynta ciyaartoygi ugu fiicn sanadki laso dhafay yaa dhaho jooji siyaasada dadban aad isticmaleyso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*