Pep Guardiola Oo Qirasho La Yaab Leh Ka Sameeyay Maqnaanshaha Virgil Van Dijk.

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa qirtay inuu “u xiisi doono” Maqnaanshaha Virgil Van Dijk kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Liverpool Axada kana tirsan horyaalka premier League.

Van Dijk ayaa fure u ahaa guulaha kooxda Liverpool labadii sano ee ugu dambeeyay isaga oo aan kulamo badan ka maqnay kooxda kuna hogaamiyay koobabka premier League & champions League.

Laakiin Liverpool ayaa ku qasban in ay difaacato horyaalka la’aanta kabtankooda 3-aad kadib markii uu dhaawac xun soo gaadhay.

Van Dijk ayaa la filayaa in uu garoomada ka maqnaado inta ka dhiman xilli ciyaareedkan taas oo war fiican u ah ku guulaysiga Man City ee horyaalka.

Si kasta ha ahaatee tababaraha Man City ee Pep Guardiola ayaa sheegay in uu jeclaa in uu ka hor tago Liverpool iyaga oo haysta xiddigohooda oo dhamaystiran.

“Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in qaliinku noqday mid lagu guulaystay waxana aan rajaynayaa in uu si deg-deg ah u soo kabsado”ayuu yidhi.

“Waan u Xiisi doona Van Dijk, waxa aan jecelahay in aan Liverpool la ciyaaro iyaga oo xiddigohoodu u dhamaystiran yihiin”.

Sii Akhriso: Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble Oo Magacaabay Guddida Doorashooyinka Xildhibaanada Ka Soo Jeeda Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*