Pep Guardiola Oo Magacaabay 6 Kooxood Oo Ka Fiican Kooxdiisa Champions League.

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa sheegay in ugu yaraan lix kooxood ay ka awood badan yihiin kooxdiisa marka la eego Champions League.

Wuxuu magacyadooda ku sheegay Bayern Munich, Paris Saint-Germain, Arsenal, Liverpool, Barcelona iyo Real Madrid.

Guardiola ayaa yiri:“Marka la eego heerka wax-qabadka aan ku jirno hadda, kama adkaan karno Champions League-ga kooxaha sida Bayern, PSG, Arsenal, Liverpool, Barcelona iyo Madrid… dhammaan waa kooxo waaweyn.”

Wuxuu intaa ku daray:

“Waan ogahay waxa looga baahan yahay in la gaaro final-ka Champions League. Waxaan ku guuleystay anigoo ciyaaryahan ah iyo anigoo tababare ah.”

Manchester City illaa hadda waxay guuleysteen afar kulan, hal kulan barbaro ayay galeen, halka ay hal kulan waa Laga badiyay, taasoo ka dhigeysa inay ku jiraan kaalinta afraad ee jadwalka Champions League iyagoo leh 13 dhibcood.

Waxay dhibco la mid yihiin PSG, halka ay laba dhibcood ka hooseeyaan Bayern Munich.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester City waxay shan dhibcood ka dambeeyaan kooxda ay ku xifaaltamaan horyaalka Premier League-ga, ee Arsenal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga