Pep Guardiola Oo Kashifay Qaabka Loo Dooran Doono Kabtanka Cusub Ee Man City Kadib Bixitaanka David Silva.

Pep Guardiola ayaa sheegay inuu u oggolaan doono ciyaartoyda Manchester City inay doortaan cidda ay doonayaan inay ku bedelaan Kabtankooda David Silva.

Silva ayaa maanta ciyaari doona kulankiisii ugu dambeeyay ee prmeier League marka ay Man City la ciyaari doonto kooxda Norwich City kulankii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka.

Xiddiga khadka dhexe ee 35 jirka ah ayaa kooxda u sii ciyaari kara kulamo maadama ay champions League ciyaari doonaan bisha dambe laakiin Man City ayaa haatanba isku diyaarinaysa bixitaankiisa.

Xiddiga khadka dhexe ee David Silva ayay xiddigaha Man City u doorteen in uu noqdo kabtanka 1-aad ee kooxda kadib bixitaankii Vincent Kompany.

Tababare Pep Guardiola ayaana sheegay in uu xiddigaha kooxdiisa ku aamini doono in ay doortaan xiddiga ay doonayaan in uu u noqdo kabtanka 1-aad ee badali doona David Silva.

Xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne ayaa ugu cad-cad in uu noqdo kabtanka 1-aad inkasta oo ay jiraan xiddigo ka waaweyn oo kooxda jooga sida Fernandinho & Sergio Aguero.

Sii Akhriso: Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Afka Furtay Kana Hadlay Xil Ka Qaadistii Lagu Sameeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*