Pep Guardiola Oo Kashifay Mudada Uu Fernandinho Garoomada Ka Maqnaan Doono

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ka warbixiyay xaalada xiddiga khadka dhexe ee kooxdiisa ee Fernandinho kaas oo dhaawac ka soo gaadhay kulankii ay Man City ka badisay Porto Champions League.

Kooxda Man City ayaaa guul 3/1 uga badisay kooxda Porto kulan ka dhacay Etihad kana tirsanaa horyaalka premier League.

Xiddiga Fernandinho ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ku dhaawacmay kulanka isaga oo isaga baxay daqiiqadii 94-aad.

Kadib ciyaarta Guardiola oo la hadlaya BBC Sport ayaa yidhi”War xun, Fernandinho waxa uu ka dhaawacmay isla booskii uu horay uga dhaawacmay lugta”.

“Waxa uu maqnaan doonaa muddo dheer oo u dhexaysa 4 ilaa 6 todobaad”.

“Warkan ayaa ah mid nooc xun marka loo eego in ay kulamo badan nagu soo socdaan”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*