Pep Guardiola Oo Kashifay Mudada Ay Maqnaan Doonaan Xiddigaha Mendy, Laporte & Jesus.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday mudada ay xiddigaha Aymeric Laporte, Benjamin Mendy Iyo Gabriel Jesus ka maqnaan doonaan garoomada kubada cagta kadib markii ay dhaawac ku seegeen kulankii ay Man City garaacday Arsenal.

Xiddigaha ayaa ka cabanaya dhaawacyo kala duwan iyada oo xiddigaha Aymeric Laporte & Benjamin Mendy ku soo dhaawacmeen xulalkooda.

Guardiola oo la hadlaya wargayska manchestereveningnews ayaa yidhi”Mendy waxa uu garoomada ka maqnaan doonaa muddo u dhexaysa 3 ilaa 4 todobaad laakiin Laporte waxa aan filaynaa in uu sida ugu dhakhsaha badan u soo laabto ma garan karo wakhtiga ugu yaraan todobaad ama 10 maalin diyaar ayuu maqnaan doonaa”.

Laakiin Pep Guardiola ayaa war naxdin leh ka soo saaray dhaawaca weeraryahanka Gabriel Jesus kaas oo dhaawac kaga maqnaa kooxdiisa kulamadii ugu dambeeyay.

“Waxa uu dhibaato weyn ka dareemayaa halka hore ee lugtiisa Waana in aan u samrino wali wax tababar ah ma qaadanayo”.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*