Pep Guardiola Oo Ka Warbixiyay Xaalada Kevin De Bruyne Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday in Kevin De Bruyne uu ku jiray xanuun aad u badan ka dib dhaawac Kuraanta ah oo soo gaadhay intii lagu jiray kulankii Manchester City ee semi-finalka FA Cup ee ay la ciyaareen Chelsea.

Xiddiga reer Belguim ayaa ahaa xiddiga ugu fiican Man City xilli ciyaareedkan laakiin dhaawacii soo gaadhay ayaa wal-wal galiyay taageerayaasha kooxda Man City.

De Bruyne ayaa la badalay 3 daqiiqo kadib bilowgii qaybtii dambe kadib markii uu ka dhaawacmay Kuraanta waxana uu haatan shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa kulamada soo socda ee Kooxda.

Guardiola oo ka hadlaya xaalada xiddigiisa ayaa yidhi”Ma garanayo haatan laakiin uma muuqato mid fiican, waxa uu dareemay xanuun badan sidaas darteed waxa aan sugi doonaa baadhitaanka”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Su’aal Oo Cajiib Ah Oo Aad Waydiisid Gabadha Hadii Aad Jeceshahay, Waxyaabo Badan Ayay Kuu Kala Cadaynaysaa, Hadda Waydii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*