Pep Guardiola Oo Ka Hadlay Xaalada Kevin De Bruyne, Miyuu Ciyaari Doonaa Kulanka Arsenal?

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City Kevin De Bruyne ayaa la xaqiijiyay in uu seegi doono kulanka ay kooxdiisu sabtida la ciyaari doonto Arsenal.

De Bruyne ayaa dhaawac looga saaray waajibaadka xulka qarankiisa Belguim kadib markii uu qaybtii dambe badal uga baxay kulankii uu xulka Belguim guuldarada 2/1 ah kala kulmay England.

Tababaraha Man City Pep Guardiola ayaa sheegay in uuna dhaawacu ahayn mid halis ah laakiin uuna ogayn mudada uu De Bruyne garoomada ka maqnaan doono.

“Uma malaynayo in uu yahay dhaawac weyn laakiin kulamada soo socda wuu seegi doonaa”ayuu Guardioal yidhi.

“Laakiin waan qiimayn doonaa xaaladiisa maalin walba”.

“Ma sheegi karo tirada kulamada uu maqnaan doono sababta oo ah aniguma ma garanayo”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: XASAASI: Ra’iisal Wasaarihii Hore Ee Somaliya Xasan Cali Khayre Oo Balan Qaad U Sameeyay Kenya Hadii Uu Madaxweyne Ka Noqdo Dalka Somaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*