Pep Guardiola Oo Ka Hadlay Wararka Sergio Aguero La Xidhiidhinaya Chelsea

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay wararka xiddiga Sergio Aguero la xidhiidhinaya kooxda chelsea iyo waliba in uu Premier League sii joogi karo.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa isaga tagi doona kooxda Man City dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhamaado heshiiskiisa kooxda Etihad Stadium ku ciyaarta.

Xiddiga Sergio Aguero ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda chelsea xilli uu xiddigu doonayo in uu sii joogo horyaalka premeir League si uu u jabiyo rikoodhka premier League.

Pep Guardiola ayaa sheegay in uuna wax dhib ah u arkin in uu Sergio Aguero ka dago Stamford Bridge marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Man City ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Isaga o arintaas ka hadlaya ayuu yidhi”Waxa aan u rajaynayaa wax fiican, dhamaanteen waan u rajaynaynaa”.

“Sergio waa in uu qaato go’aanka farxad galinaya isaga iyo qoyskiisa wax walba oo uu go’aansadana waan ku taageeraynaa”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Kalmado Cajiib Ah Oo Ruxa Qalbiga & Dareenka Gabadha Hadii Ay Kaa Maqasho Nafteeda Ayay Kuu Hibaynaysaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*