Pep Guardiola Oo Ka Fal Celiyay Dhibcihii Ay Arsenal Ku Lumisay Wolves.

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa sheegay inuusan wax dan ah ka lahayn in Arsenal ay dhibco lumiyeen tartanka horyaalka Premier League.

Barbaradii 2-2 ee Arsenal ay la galeen Wolverhampton Wanderers toddobaadkan ayaa siisay City rajo cusub oo ay ku doonayaan inay ka tuuraan hoggaamiyeyaasha.

Kooxda Guardiola ayaa hadda shan dhibcood ka dambeysa Arsenal, iyagoo weliba haysta kulan dheeraad ah. Haddii City ay badiso 12-ka kulan ee u haray, waxay si toos ah u hanan doontaa horyaalka.

Si kastaba, Guardiola ayaa sheegay in diiraddiisu saaran tahay kaliya kulanka xiga ee ay gurigooda kula ciyaarayaan Newcastle United.

Wuxuu yiri:“Ma aanan ka hadlin jadwalka, ama booskeenna ama wax la mid ah. Runtii waxba kama qabo.

Hal ilbiriqsi kama aanan hadlin arrintaas. Kaliya Newcastle, Newcastle, Newcastle.

“Haddii aad i weydiiso su’aashan marka ay laba ama saddex kulan oo keliya harsan yihiin, markaas waan ku siin doonaa jawaab. Hadda 12 kulan ayaa harsan, waa waqti aad u dheer.”

Guardiola ayaa ku guuleystay lix horyaal intii uu joogay Etihad muddo toban sano ah, taasoo muujineysa khibraddiisa tartanka horyaalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga