Pep Guardiola Oo Jabin Doona Rikoodh Ay Dhigeen Arsene Wenger iyo Jose Mourinho

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa isha ku haya in uu sameeyo taariikh premier League ah marka ay kooxdiisu maanta la ciyaari doonto Aston Villa kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Kadib bar-barihii West Ham, Man City ayaa haatan kaliya hal dhibic ka horaysa kooxda Liverpool iyada oo maanta la ciyaari doono kulankii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka.

Kooxda Man City ayaa u baahan in ay ka badiso kooxda Aston Villa si ay ugu guulaysato horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Pep Guardiola ayaa Man City ku hogaamin doona horyaalkii 3-aad intii uu joogay kooxda hadii uu maanta ku hogaamiyo horyaalkana waxa uu jabin doonaa rikoodhka tababarayaasha Ajnabiga ah ee ku guulaystay horyaalka.

Guardiola ayaa haatan la bar-baro ah tababarayaasha Arsene Wenger iyo Jose Mourinho kuwaas oo ku wada guulaystay horyaalka min 3 jeer.

Laakiin hadii ay Man City ku guulaysato horyaalka waxa uu noqon doonaa rikoodhka labadaas tababare maadama uu markii 4-aad ku guulaysan doono premier League.