Pep Guardiola Oo Haatanba Kashifay Qorshihiisa Suuqa January.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa sheegay in ayna kooxdiisu wax saxiix ah samayn doonin marka uu furmo suuqa January.

Citizena ayaa ku dhibatoonaysa horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo 12 dhibcood ka halay 8 kulan kaalinta 14-aadna kaga jirta kala saraynta premier League.

Waxa jiray warar sheegaya in ay Man City suuqa gali doonto si ay u xoojiso kooxda iyada oo lala xidhiidhinayay weeraryahan cusub sabab la xidhiidha dhibaatada dhaawacyada Sergio Aguero.

Si kasta ha ahaatee Tababare Pep Guardiola ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay kooxdiisa isaga oo saxafiyiinta u sheegay”Maya, gabi ahaan uma baahnin saxiixyo cusub, waxa aan haystaan koox cajiib ah oo aan ugu dagaali karo koobabka”.

Sii Akhriso: Laba Qarax Oo Khasaare Weyn Ka Dhashay Oo Ka Dhacay Muqdisho 12 Saac Gudohood

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*