Pep Guardiola Oo Fariin U Diray Lionel Messi Ka Hor Inta Ayna Iska Hor Iman.

Pep Guardiola ayaa rajeynaya in Lionel Messi uu maareeyo dhaawacii soo gaadhay si uu uga hor tago Man City salaasada champions League isaga oo sheegay in uuna garayn sida ay kooxdiisu u joojin doonto weerarka PSG.

Kooxda PSG ayaa la ciyaari doonta Man City kulankoodii 2-aad ee champions League kadib markii ay ku kuleem wareega Semi-final-ka champions League xilli ciyaareedkii hore.

Messi oo ka soo hoos shaqeeyay Pep Guardiola ayaa markan ka hor iman doona Tababaraha reer Spain isaga oo u ciyaari doona kooxda PSG.

Guardiola oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan ka fikiri doonaa nooca xiddiga uu Messi yahay, gaar ahaan marka uu garoonka ku jiro, ma jirto wax kale oo aan kaaga sheego”.

“Waxa aan nasiib u yeelanay in aan daawano 15 ilaa 16-kii sano ee la soo dhaafay, waxa uu garanayaa sida uu isku qiyaaso marka uu ku jiro garoonka”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Ma Dhacdaa In Uu Nin Kuu Yeedho “Quruxleyda”, Waliba Mar Walba Ma Adeegsadaa Kalmadaas, Hadaba Halkan Kaga Bogo Waxa Uu Uga Jeedo & Macnaha Ay Leedahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*