Pep Guardiola Oo Doonaya In Uu Kooxdiisa Keeno Toni Kroos, Muxuu Yahay Qorshihiisu

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa inuu ku rajo weyn yahay inuu ku qanciyo Xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid Toni Kroos inuu u dhaqaaqo Premier League sanadka soo socda.

32-sano jirkaan ayaa mar kale u ahaa Xiddig muhiim u ah Los Blancos bilowgii xilli ciyaareedkan, isagoo shan kulan u saftay tartamada oo dhan, oo ay ku jirto 90kii daqiiqo kulankii Celtic ee champions league.

Heshiiska Kroos ee haatan ee Bernabeu ayaa ku eg bisha june ee sanadka soo socda taas oo la macno ah in uu suuqa January heshiis la gali karo kooxda uu doonayo.

Sida laga soo xigtay El Nacional, Real Madrid ayaa ku rajo weyn in uu xiddigu heshiis cusub u saxiixo kooxda isla markaas xirfadiisa ciyaareed ku dhamaysto kooxda caasimada laakiin heshiiskii ay kooxdu u soo bandhigtay ayuu iska diiday.

Wararka ayaa sheegaya in uu Kroos ka fiirsanayo mustaqbalkiisa, waxana uu ka fikirayaa in uu ka ciyaaro premier League ka hor inta uuna ciyaaraha ka fadhiisan.

Sida laga soo xigtay OMR tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa doonaya in uu xiddiga keeno kooxdiisa hadii ay cadaato in uu isaga tagayo kooxda Real Madrid.