Pep Guardiola Oo Dajiyay Qorshe U Sahalaya In Uu Helo Harry kane, Si Uu Ugu Buuxiyo Booska Sergio Aguero.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa in uuna wax dhibaato ah u qabin in uu Iska diro xiddiga Gabriel Jesus si uu kor ugu qaado fursadaha uu ku heli karo saxiixa xiddiga Harry Kane.

Kane oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulankii uu xulkiisa England reebay Germany ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Man City kadib markii uu xiddigu doortay in uu isaga tago kooxda.

City ayaa la rumaysanyahay in ay dalab rasmi ah oo dhan 100 milyan ka gudbisay saxiixa xiddiga laakiin Tottenham ayaa doonaysa lacag dhan 150 milyan oo euro

Sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport, Jesus ayaa laga yaabaa in laga iibiyo Juventus iyadoo kooxda Serie A ka dhisan ay isku diyaarineyso bixitaanka Cristiano Ronaldo sidaas darteed Guardiola ayaan hor istaagi doonin bixitaanka xiddiga reer Brazil.

24 jirkaan ayaa diiwaan galiyay 82 gool iyo 34 caawin 195 kulan oo uu u saftay City, laakiin inta badan kursiga keydka ayaa loo dhigay madaama Guardiola uu doorbiday sagaal been ah intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkii hore.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*