Pep Guardiola Oo Daboolka Ka Qaaday Waxii Ay Ka Hadleen Zidane Ka Dib Kulankii Xalay

Tababaraha Man City ee Pep ayaa daboolka ka qaaday hadalkii xalay dhex maray isaga iyo macalinka Real ee Zidane ka dib kulankii Champion-ka

City ayaa kulankaas ku badisay 2/1 iyaga oo sidaas isaga xaadiriyay wareegga 8-da Champion-ka ka dib markii isu geynta labadii kulan ay isku noqotay

Ka dib kulankaas , waxa ay kaamirooyinka qabteen labada tababare oo wada hadlaya xilli Zidane uu taagnaa halka Pep uu fadhiyay muddo ayayna sheekeysanayeen .

Euro Sport ayaa tababare Pep weydiisay waxa ay ka hadlayeen waxa uuna yiri ” waxaan ugu hambalyeeynayay horyaalka La Ligaha oo ay qaadeen iyo guud ahaan xaaladda qoyskiisa”

Waxa uu Pep intaas sii raaciyay ” wax kale oo dheeraad ah ah ma jirrin”

Tababare Pep waxa uu intaas ku sii daray” waxaan rajeynayaa in aan mar wada casheyno waliba yeelanno sheeko dheer”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*