Pep Guardiola Oo Balan Qaad Sameeyay Kadib Markii Kooxdiisa Laga Reebay Champions League.

Tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa balan qaaday in ay kooxdiisu sii wadi doonto baacsiga ay ugu jirto champions League kadib markii ay Lyon reebtay.

City ayaa 3/1 looga reebay Quarter Final-ka champions League kadib markii uu Raheem Sterling iska khasaariyay fursad aan la khasaarin karin.

Kadib guuldaradaas City ayaa haatan Quarter Final-ka tartanka looga reebay xilli ciyaareedkii 3-aad oo xidhiidh ah.

Guardiola oo la hadlaya BT Sport ayaa yidhi”Maalin ayaan jabin doonaa rikoodhkaas”.

“Qaybtii dambe ee ciyaartu waxa ahayd mid fiican, anaga ayaa ahayn kooxda fiican”.

“Waxa aan samaynay khaldaad yar-yar waana sababta aan tartanka uga hadhnay”.

“Qaybtii dambe waxa aan dhalinay gool cajiib ah laakiin nasiib xumo gool kale ayaan khasaarinay, marna ma samayn kartid khaldkaas”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*