Pep Guardiola Oo Amaan Ugu Qubeeyay Lama Joojiye Lionel Messi.

Tababaraha Kooxda Man City Pep Guardiola ayaa amaanay lama joojiye Lionel Messi kadib markii uu xiddiga reer Argentine gool ka dhaliyay kooxda Man City champions League.

Tababaraha Man City ayaa daawaday kooxdiisa oo lagu garaacay 2/0 kulan uu Messi markii ugu horaysay gool u dhaliyay kooxda PSG sidaasna ku furtay akoonkiisa goolasha ee kooxda reer France.

Messi ayaa ku dhibaatooday in uu la qabsado kooxda PSG kadib markii u kooxda qaab xor ah ugu soo biiray xagaagii laakiin waxa uu bilaabayaa mid dib u helaya kalsoonidii uu ku ciyaari jiray.

Messi ayaa inta uu kubada meel ka helay soo dhex galay difaaca Man City kadib baas u dhiibtay Mbappe isla markaas gool ka dhaliyay kooxda Man City ciyaartana ka dhigay 2/0.

“Waan ogayn in ayna suurtagal ahayn in la xakameeyo Leo 90 daqiiqo laakiin kubada in badan ma taaban intii ay ciyaartu socotay”.

“Waxa wuu ka soo laabanayay dhaawac waanan ogayn in uu dhex ordi karo daafaceena waliba uu yahay mid aan la joojin karin”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Gabadheey!! Ma Doonaysaa In Aad Ogaatid In Uu Ninku Yahay Mid Kugu Haboon Adiga, Ma Doonaysaa In Aad Ku Ogaatid Shakhsiyadiisa Kulanka Ugu Horeeya, 3-dan Su’aal Ayaa Kaaga Filan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*